|
Laqorey,(insidesomalia.org)- Ciidamada Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta dib ula wareegay Gacan ku haynta Degmada Laas Qoray ee Gobolka Sanaag, kadib markii Degmadaasi ay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland.
Mas’uuliyiinta Gobolka Sanaag ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax Dagaal ah oo dhaxmaray labada Ciidan ee isaga hortegay Degmada Laas qoray ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Siciiid Nuur Dabayl oo la hadlayay Saxaafadda Boosaaso ayaa sheegay in arintani ay timid kadib, markii Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Puntland la geeayay Degmada Laas Qoray oo horay Gacanta ay ugu hayeen Maamulka Somaliland.
Ciidamada Somaliland ee isaga baxay Degmada Laas Qoray ayaa la soo sheegayaa in ay gaareen Degmada Ceerigaabo oo hada uu kateliyo Maamulka Somaliland.
Lama Garanayo in Ciidamada Somaliland ay dib u soo rogaal celin doonaan Degmada Laas Qorey ,basle wararka ayaa waxau sheegayaan in Degmadaasi ay ka soconayaan hawlogalo Militri oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland.
Degmada Laas Qoray oo dhowaanahan ay ka taagnaayeen Xiisado Colaadeed ayaa la soo sheegay in maanta aysan jirin wax cabsi dagaal ah oo degmadaasi ka jirta.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo yeeray Maamulka Somaliland oo ku aadan arinta ah in Puntland ay la wareegtay gacan ku haynta Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.
Sidoo kale waxaa weli xiisad aad u xoog badan ka taagan tahay Degmada Calmadow ee Deegaanka Ayl ,halkaasi oo wali afduub loogu haysto dad Ajaanib ah oo u dhashay Dalka Jarmal.
|